Quantum computer waa nooc cusub oo computer ah oo isticmaala mabaadi’da Quantum Mechanics taas oo ah xeerarka cilmi-nafsiga (physics-ka) ee sharraxa sida ay u dhaqmaan/u shaqeeyaan waxaha yar yar sida atoms, electrons iyo photons si uu u dhiso/jabiyo qawaaniin algorithms kala duwan, sidoo kale uu u xalliyo xisaabaadka adag,
taas oo gabi ahaanba ka duwan kombiyuutarrada caadiga ah (classical computers) oo ku shaqeeya xeerar go'an oo la saadaalin karo.
Waa maxay farqiga u dhexeeya computer-ada caadiga ah (classical computers) iyo Quantum computers?
Farqiga u dhexeeya waxay kala adeegsadaan 🔢 Qubit & Bit
Computers-ka caadiga ah (classical computers) waxay isticmaalaan/ adeegsadaan bits (0 ama 1).
Quantum computers waxay isticmaalaan qubits (quantum bits), kuwaas oo noqon kara (0/1) sidoo kale superposition ayey samayn karaan oo ah in ay mar adeegsan karaan labadaba (0&1) taas oo siinaysa awood dheeri ah,
hal dhagax ayey labo shimbir ku dili karaan,
Tusaale ahaan:
> Qubit-ka wuxuu noqon karaa: > $$|\psi\rangle = \alpha|0\rangle + \beta|1\rangle$$ > Taas micnaheedu yahay in uu ku jiro xaalad u dhaxaysa 0 iyo 1.
Quantum computers-ku waxay leeyihiin saddex feature oo muhiim ah
1 Superposition
Qubit wuxuu isku mar noqon karaa 0 iyo 1. Tani waxay u sahlaysaa kombuyuutarka quantum in uu isku mar xalliyo malaayiin xisaabo ah.
2 Entanglement
Qubits-ka ayaa isku xirnaan kara (entangled) oo haddii 1 qubit is beddelo, midka kale isna wuu is beddelayaa xittaa haddii ay meelo kala fog yaallaan, waa isku uur ka midoobay arwaaxda, isku xirnaanta uu isku xiran yahay qubit-koodu waxay keentaa awood aad u weyn oo lagu xalliyo hawlo aad u adag.
3 Quantum Interference
Waxay u oggolaaneysaa kombiyuutarka inuu tirtiro/ baabi’iyo jawaabaha/ natiijooyinka khaldan, kuna reebo/ ka tago kuwa saxda ah oo kaliya, taasna waxaa u sahlaysaa quantum computing wuxuu ka faa’iidaystaa isku dhaca mawjadaha (waves) si uu u helo jawaabta/ natiijada ugu saxan
🎯 Maxaa loogu talo galay Quantum Computing?
Quantum computers waxaa loo sameeyay si ay u qabtaan hawlo aan kombuyuutarrada caadiga ah qaban karin ama ay qabtaan/ xalliyaan ay ku qaadato waqti dheer,
Waxaa loo isticmaali karaa:
🔬 Daawada & cilmi-baarista – in lagu sameeyo tijaabooyin molecular oo degdeg ah.
🧩 Xallinta xisaabaadkaadag – sida cilmi-baarista encryption cryptography ama isku xirka xogaha badan.
💹 Suuqa Maaliyadda – saadaalinta suuqa iyo hagaajinta maalgashiyada.
🔐 Cryptography (amni) – jabinta ama samaynta cryptography cusub oo aan la jebin karin.
⚛️ Falanqaynta walxaha (materials science) – si loo helo walxo cusub sida super-conductors ama battery-o awood leh.
💰 Quantum Computing saamayn taban maku yeelan karaa suuqa cryptocurrency?
Haa waana tan keentay in ay ka walwalaan isticmaalayaal iyo maalgashadayaal ku kala nool daafaha dunida
Quantum computers waxay jebin karaan encryption-ka cryptography/ hash algorithms-ka hadda loo adeegsado crypto sida Bitcoin, Ethereum, iyo coins-ka kale
algorithms sida RSA, ECDSA, iyo SHA-256 ayaa loo jebin karaa si degdeg ah
Bitcoin, Ethereum, iyo altcoins-kale waxay ku tiirsan yihiin public-key cryptography (sida ECDSA)
Shor’s algorithm waxay awood u leedahay in ay jebiso public key-ga oo ay ka soo saarto private key-ga, taas oo u oggolaanaysa qofka haysta quantum computer in uu xado/dhaco lacagaha crypto ama la wareego wallets malaayiin lacag ah ku kaydsan yihiin
Hashing Algorithms
Bitcoin iyo 100+ altcoins kale waxay isticmaalaan SHA-256 hashing algorithm.
Ethereum waxay isticmaashaa Keccak-256 (SHA-3)
Tusaale: Grover’s algorithm waxay qalqal galisaa, hoos u dhigtaa/ ka dabo tagi kartaa amniga (SHA-256) inkastoo aysan si buuxda u jebin karin, haddii la dheereeyo/ kordhiyo Hashing Algorithm- SHA-256 wuu ka bedbaadi karaa Grover’s algorithm iyo quantum attacks kalaba
Waloow haddaba Hash Algorithm-ka BTC uusan mid jilicsan ahayn 14 sano muudo ahna aan lagu guulaysan in la jebiyo
Consensus Mechanisms
Qaar ka mid ah proof-of-work ama proof-of-stake nidaamyadaas ayey dhici kartaa in si fudud loo jebiyo iyadoo la adeegsanayo quantum computers & qubits-kooda oo aadka u deg degga badan
🛡️ Qaabkee looga hor tegayaa weerarrada Quantum?
Quantum-resistant cryptography
Waxaa la horumarinayaa algorithms cusub sida lattice-based, hash-based, iyo multivariate polynomial cryptography.
- Zero Knowledge Proofs (zk-STARKs):
waa technology cusub oo loo arko mid u adkaysan karta quantum computing.
- Blockchain cusub: Waxaa la dhisayaa networks cusub oo si gaar ah loogu talo-galay in ay u adkaystaan weerarrada QA quantum attacks.
Waxaa jira dhowr 🛡️ mashruuc iyo nidaam oo loo dhisay wilina lagu wado horumarin si ay uga hortagaan/ isaga difaacaan quantum attacks.
✅ Quantum Resistant Ledger (QRL)
Waa nidaam loogu talo galay in uu u adkaysto weerarrada quantum,
Wuxuu isticmaala XMSS (Extended Merkle Signature Scheme) waana algorithm quantum-safe ah.
Blockchain-kiisu wuxuu diiradda saaraa security first, halkii uu ka ahaan lahaa deg deg ama scalability.
✅ Mina Protocol
Wili looma aqoonsan quantum-resistant buuxa waxay adeegsataa zk-SNARKs — kuwaas oo loo arko in ay u adkaysan karaan weerarrada quantum computing haddii la beddelo algorithms-ka hoose.
Waxay diiradda saartaa data minimization iyo privacy.
✅ Bitcoin Post-Quantum Proposals
Waxaa jira research proposals lagu beddelayo ECDSA (Elliptic Curve Digital Signature Algorithm) oo Bitcoin ku tiirsan yahay.
Waxaa la tijaabinayaa lattice-based cryptography si loo beddelo signature-ka.
Waxaa jira dhowr 🔐nidaam oo kale oo iyagana lagu ilaalinayo aminiga hoose ee lacagaha crypto
✅ CRYSTALS-Kyber & CRYSTALS-Dilithium
Waa labo algorithm mid loo asteeyey ilaanta xogta (encryption) key/ Exchanges iyo wada xiriirka maldahan iyo mid digital signature ah si isha loogu hayo cidda xogta diraysa/ helaysa
Waxaa horumariyay NIST (National Institute of Standards and Technology) si ay u noqdaan standard quantum-safe algorithms.
Waxaa la filayaa in mustaqbalka loo adeegsado wallets iyo blockchain protocols.
✅ Hash-Based Signatures (e.g., SPHINCS+)
Waxay ku saleysan yihiin hashing oo aan u nugulayn/ u taag darrayn Shor’s algorithm-ka.
SPHINCS+ waa mid ka mid ah algorithms-ka NIST u aqoonsaday quantum-safe.
Nidaamyo badan ayaa socoda waqti xaadirkaan oo ay wadaan shirkado waaweyn kuwaas oo looga hortagayo khataraha Quantum Computing ka imaan kara
Laakiin Quantum Computers qudhoodu si rasmi ah uma soo bixin/ shaaca lagama qaadin wili waxaa lagu wadaa horumarin, waxaase la ogyahay in ay ka wood badan yihiin computers-kaan caadiga ah 1 millisecond guduhiisna 4-ta jiho kor & hoos u xabada ridan karaan.
✏️Maqrib Labbiste
#quantumcomputers #quantum #QuantumCrypto #computer #quantumcomputing